Cristiano Ronaldo Oo Rikoodh Khaas Ah Wali Kaga Horeeya Lionel Messi

Xiddiga kooxda Juventus ee Cristiano Ronaldo ayaa laad xor ah ka dhaliyay kooxda Torino kulan ka tirsanaa horyaalka Serie A-da isaga oo guul weyn ku hogaamiyay kooxdiisa.

Xiddiga reer Portugal ee Cristiano ayaa si cajiib ah daqiiqadii 61-aad u dhaliyay laadka xorta ah isaga oo kooxdiisa u dhaliyay goolkii 3-aad ee ciyaarta.

Kadib goolkaas Cristiano Ronaldo ayaa xiddiga ay xafiiltamaan ee Lionel Messi kaga horeeya rikoodh khaas ah tartan ka dhexeeya labada xiddig.

Shabada xogta uruurisa ee Mister Chip ayaa sheegtay in uu Cristiano ROnaldo dhaliyay 55 laad oox or ah isaga oo 32 u dhaliyay Real Madrid, 14 u dhaliyay man United, 8 u dhaliyay xulka qaranka Portugal hal laad xor ahna u dhaliyay Juventus.

Sidaas darteed Cristiano Ronaldo ayaa Lionel Messi kaga badan dhanka laadadka xorta ah ee ay dhaliyeen laba xiddig tan ilaa xirfadooda ciyaareed.

Lionel Messi ayaa isagu dhaliyay 51 laad xor ah isaga oo 45 u dhaliyay kooxdiisa Barcelona 6 kale u dhaliyay xulka qarankiisa Argentine.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*