Cristiano Ronaldo Oo Rikoodh Cajiib Ah Ka Dhigay Champions League Kadib Goolkii Young Boys.

Cristiano Ronaldo ayay ku qaadatay kaliya 13 daqiiqo inuu dhaliyo goolkiisii ​​ugu horeeyay ee Champions League xilli ciyaareed 2020/21, iyadoo weeraryahanka reer Portugal uu dhaliyay goolkii ugu horeeyay ee heerka group -yada kulankii Man United guuldarada kala kulantay Young Boys.

Ronaldo ayaa baas ka helay xiddiga ay isku dalka yihiin ee Bruno Fernandes waxana uu dhaafay xiddiga David von Ballmoos isaga oo sidaas hogaanka ugu dhiibay kooxdiisa Man United.

Goolkaas kadib Xiddiga Cristiano Ronaldo ayaa isku qoray taariikhda champions League isaga oo sii wada rikoodhada tartanka champions league.

Kadib Goolka Cristiano Ronaldo ayaa dhaliyay gool xilli ciyaareedkii 16-aad oo xidhiidh ah isaga oo xiddiga reer Portugal ugu yaraan gool dhaliyay tan ilaa xilli ciyaareedkii 2006/2007.

Xiddigii hore ee kooxaha Juventus iyo Real Madrid ayaa dhaliyay goolkiisii 3-aad ee kooxda Man United tan ilaa markii uu yimid kooxda isaga oo laba kulan u ciyaaray kooxda.

Sii Akhriso: Waa maxay heerka ugu sarreeya ee jacaylka?

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*