Cristiano Ronaldo Oo Qarka U Saaran Rikoodh Cajiib Ah Oo Aan Horay Looga Dhigin Kubada Cagta.

Xiddiga kooxda Juventus ee Cristiano Ronaldo ayaa ku sii dhawaanaya in uu dhigo rikoodh taariikhi ah oo aan horay looga dhigin kubada cagta iyo in uu sii wado dhigista rikoodhada kubada cagta kadib markii uu laba gool ka dhaliyay kooxda Udinese kulankii Axadii.

Kooxda Juventus ayaa ku dambaysa 1/0 daqiiqadii 83-aad ka hor intii uuna Cristiano Ronaldo dhalin laba gool oo deg-deg ah kooxdiisana ku hogaamin guul wakhti dambe ah.

Xiddiga Cristiano Ronaldo Ayaa goolashiisa horyaalka Serie A-da xilli ciayareedkan kor ugu qaaday 27 gool isaga oo hogaaminaya gool dhalinta horyaalka xilli ciyaareedkan.

Sidoo kale Cristiano Ronaldo Ayaa dhaliyay goolkiisii 99-aad ee kooxda Juventus tartamada oo dhan tan ilaa markii uu ku soo biiray kooxda sanadkii 2018.

Xiddiga Cristiano Ronaldo ayaa hal gool u jira in uu dhaliyo goolkiisii 100-aad ee xirfadiisa ciyaareed kooxihii uu u soo ciyaaray waxana uu noqon doonaa xiddigii ugu horeeyay ee 3 koox oo kala duwan u dhaliya 100 gool.

Sii Akhriso: Waa Maxay Jacaylka Shuruudaha Leh & Jacaylka Shuruud La’aanta Ah & Farqiga U Dhexeeya.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*