Cristiano Ronaldo Oo Man United U Sheegay In Ay Kooxda Keenaan Xiddig Juventus U Ciyaara.

Weeraryahanka Manchester United Cristiano Ronaldo ayaa lagu soo waramayaa inuu rajeynayo inuu ka dhaadhiciyo saaxiibkiisii ​​hore ee Juventus Federico Chiesa inuu kula soo biiro Old Trafford.

23 jirkaan ayaa qabtay indhaha adduunka intii lagu jiray tartankii euro 2020 ee uu ku guulaystay xulka Italy waxana uu haatanba dhaliyay 2 gool halka uu caawiye ka noqday 7 kale.

Chiesa ayaa ah xiddig Fiorentina ah isaga oo juventus kula jooga Amaah xilli ay Juventus doonayso in ay sii haysato xiddiga laakiin xiddiga ayaa haatanba lala xidhiidhinayaa kooxo kale.

Cristiano Ronaldo ayaa lagu soo waramayaa in uu maamulka kooxda chelsea u sheegayo in ay keenaan xiddiga Old Trafford si uu uga garab ciyaaro mar kale.

Ronaldo ayaa la dhacsan qaab ciyaareedka xiddiga waxana uu aaminsanyahay in uu kooxda Man United ka caawin doono in ay kubada si dhakhso ah u keento weerarka.

Sii Akhriso: Ma Dhacday In Gacalisadaadu Ku Siiso Jawaabo Gaagaaban, Ma Is Waydiinaysaa Sababta Ay Sidaas U Samaynayso, Halkan Kaga Bogo Warbixinta Cajiibka Ah.

1 Comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*