Cristiano Ronaldo Oo Maamulka Man United In Uu Kooxda Isaga Tagi Doono Kooxda Xagaaga & Sababta Oo La Ogaaday

Cristiano Ronaldo ayaa lagu soo waramayaa inuu ka tagi doono Manchester United xagaagan haddii Red Devils ay ku guuldareysato inay u soo baxdo Champions League xilli ciyaareedka soo aadan.

Kooxda Ralf Rangnick ayaa haatan ku jirta kaalinta 7-aad ee kala saraynta horyaalka premier League iyaga oo shan dhibcood ka dambeeya kooxda kaalinta 4-aad ku jirta ee West Ham United iyada oo hal kulan gacanta ku haysta.

Si kastaba ha ahaatee, Arsenal iyo Tottenham Hotspur ayaa sidoo kale ku jira tartanka afarta boos eeugu sareeya xilli ay Tottenham 2 kulan gacanta ku haysato.

Sida laga soo xigtay The Sun, wakiillada Ronaldo ayaa si cad ugu sheegay madaxda sare ee Old Trafford in xiddiga Portugal uu isaga tagi doono kooxda Xagaaga hadii ayna kooxdu u soo bixin champions league xilli ciyaareedka dambe.

Wararka ayaa sheegaya in uu xiddiga 36 jirka ah ka cabsi qabo in uu koob la’aan ku dhamaysan doono xiradiisa inta ka dhiman hadii uu sii joogo kooxda Man United.