Cristiano Ronaldo Oo Loo Soo Bandhigay In Uu Ku Biiro Koox Horyaalka France Ah Si Uu Uga Hor Tago Lionel Messi & Jawaabta Uu Bixiyay Oo La Kashifay.

Difaaca reer Portugal ee kooxda Lille, Jose Fonte, ayaa qirtay inuu xiddiga ay isku dalka yihiin ee kooxda Juventus u ciyaara ee Cristiano Ronaldo u soo bandhigay kooxda Lille si uu uga hor tago xiddiga ay sida weyn u xafiiltamaan ee Lionel Messi.

Iyada oo Lionel Messi uu ku biiray PSG, taageerayaal badan oo kubbadda cagta ah ayaa hadda rajaynaya in uu Cristiano Ronaldo Ku biiro horyaalka Ligue 1 si ay dib u bilaabaan xafiiltankoodii caalamiga ahaa.

Fonte oo ka hadlaya ku biirista Messi ee PSG ayaa yidhi” Aad ayaan u fiicanahay, sababta oo ah waa wax fiican in aad maqasho xiddig Lionel Messi oo kale ah in uu yimaado horyaalka France”.

“Sida iska cad horyaalku wuu sii adkaan doonaa diyaar ayaanan u nahay arintaas, haatan waxa aan la xidhiidhaa Cristiano maalin walba Si aan ugu qanciyo in uu yimaado Lille, waxana uu iigu jawaabay qosol”.

Mustaqbalka Cristiano Ronaldo ayuu shaki ku jiraa iyada oo lala xidhiidhinayo in uu isaga tagayo kooxda Juventus inta lagu jiro suuqa xagaagan.

Sii Akhriso: Ma Jiraa Qof Aad Jeceshahay Laakiin Aad Khalad Ka Gashay, Ma Doonysaa In Ay Ku Cafiso Ama Uu Ku Cafiyo, Fariintan Cajiibka Ah Ayaa Kaaga Filan

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*