Cristiano Ronaldo Oo Lagu Eedeeyay Qaab Ciyaareedka Xun Ee Kooxda Man United.

Cristiano Ronaldo ayaa lagu eedeynayaa dhibaatada Manchester United inkastoo uu dhaliyay shan gool tan iyo markii uu ku soo laabtay Old Trafford xagaagan.

Si kastaba ha ahaatee, daaficii hore ee Ajax Danny Blind ayaa sheegay in uu Ronaldo saamayn xun ku yeelanayo Man United sababta oo ah Man United haatan koox ahaan uma ciyaarayso.

Waxa loo sheegay in uunaa 36 jirkan samayn dhaq-dhaqaaq badan si uu boosas ugu abuuro kooxdiisa Man United.

“Ronaldo uma baahna in uu ciyaaro door joogto ah”Bild ayaa yidhi

“Kooxda Man United haatan koox ahaan uma ciyaarto mana jirto dhaq-dhaqaaq uu sameeyo si uu boosas ugu abuuro xiddigaha ay isku kooxda yihiin”.

“Caadi ahaan weeraryanadu waxa ay ordaan si ay fursad ugu abuuraan kooxda inteeda kale waliba u khal-khaliyaan difaacyada”.

“Haatan Man United uma ciyaarto sidii hore ee ahayd Orodka badan iyo weerarka badan”ayuu sii raaciyay.

2 Comments

  1. Hadal daciif ah ayuu kuhadlay ninkaasi,,, Cr waxwayn ayuu kusoo kordhiyay shayadiinta, lkn kulu mashkila cidna solskjajer

  2. Sharaf male Kan waa kuwa la hadhay buu Ka mid yahay to Ronaldo hortaa buu wax u qabtay mun united imika ayaad aragtee Ronaldo maaad Ka taqaanaa walafoow

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*