Cristiano Ronaldo Oo Laba Kulan Ganaax Ku Seegi Doona Hadii Uu Ku Biiro Koox Premier League Ah, Sabab.

Cristiano Ronaldo ayaa ganaax laba kulan ah iyo ganaax lacageed oo dhan 50,000 dusha laga saaray kadib markii xidhiidhka FA-gu dambi ku helay sabab la xidhiidha in uu Taageere Everton ah ka jabiyay Mobile-ka kulankii xilli ciyaareedkii hore.

Sidaas darteed xiddiga reer portugal ayaa seegi doona laba kulan hadii uu ku biiro koox cusub oo premier League ah.

Bayaan kasoo baxay FA-ga ayaa lagu yiri: “Cristiano Ronaldo waxaa laga ganaaxay labo kulan iyo waliba lacag dhan 50,000 oo Pound, waxaana looga digay dhaqankiisa mustaqbalka inuu jabiyo sharciga FA E3″.

“Weeraryahanku waxa uu qirtay in hab-dhaqankiisii ​​ka dib wixii uu sameeyay markii ay dhamaatay ciyaartii u dhexaysay Man United iyo Everton 9 bishii April”.

“Guddi sharciyeedka madaxa banaan waxay ogaadeen in dhaqankiisu ahaa mid aan habooneyn waxana ay go’aamisay ganaaxday kadib markii ay si dhaw u dhagaysatay masuuliyiin meesha joogay”.

Xiddiga Ronaldo ayaa ganaaxa buuxin doona hadii uu ku biiro koox kale oo premier League ah kadib markii uu ka tagay kooxda Man United.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*