Cristiano Ronaldo Oo Ku Sii Dhawaanaya Rikoodh Taariikhi Ah Kadib Goolkiisii Ugu Dambeeyay

Xulka Portugal ayaa guul 4/0 ah ku soo gaba-gabeeyay kulamadii isku diyaarinta ee tartanka Euro 2020 iyaga oo garaacay xulka Israel iyada oo uu Cristiano Ronaldo dhaliyay gool ka mid ah goolasha uu xulkiisu dhaliyay.

Cristiano Ronaldo Ayaa dhaliyay goolka 2-aad qaybtii hore ee ciyaarta waxana uu talaabo u qaaday in uu ku dhawaado rikoodhka Ali Daei ee gool dhalinta.

Xiddiga Juventus ayaa dhaliyay goolkiisii 104-aad ee ciyaaraha caalamiga ah isaga oo saftay 175 kulan isaga oo kaliya 5 gool ka dambeeya rikoodhka xiddiga reer Iran ee 109ka ah.

Cristiano Ronaldo ayaa tartanka Euro 2020 ee bilaaban doona fursad u haysta in uu noqdo xiddiga ugu goolasha badan ciyaaraha heerka caalami maadama uu kaliya 5 gool u baahanyahay tartanka Euro 2020.

Xiddiga ayaa la filayaa in uu rikoodhkaas jabiyo ama uu bar-bareeyo marka loo eego tayada xiddigaha xulka Portugal oo caawimo la garab taagnaan doona marka uu bilaabmo tartanku todobaadkan.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*