Cristiano Ronaldo Oo Ku Sii Dhawaanaya Rikoodh Kale Kadib Saddexleydii Uu U Dhaliyay Xulka Portuagal.

Cristiano Ronaldo ayaa talaabo kale u qaaday jabinta rikoodh kale oo gool dhalinta ah.

Xiddiga 36 jirka ah ayaa saddexley dhaliyay kulankii uu xulka qarankiisa Portugal 5/0 uga badiyay xulka Luxembourg kulan ka tirsanaa is reeb-reebka koobka adduunka.

Sidaas darteed Cristiano Ronaldo Ayaa noqday xiddigii ugu horeeyay ee dalkiisa u dhaliyay 10 saddexley kulamada caalamiga ah.

Cristiano Ronaldo ayaa badalay 2 rikoodhe 13-kii daqiiqo ee ugu horeeyay ka hor inta uuna daqiiqadii 87-aad dhalin goolkiisii 3-aad ee kulanka.

Xiddiga Man United ayaa dhanka kale kaliya 3 gool u jira in uu noqdo xiddiga ugu goolasha badan taariikhda kulamada is reeb-reebka koobka adduunka.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*