Cristiano Ronaldo Oo Ku Guulaystay Abaalmarintiisii Ugu Horaysay Ee Man United

Xiddiga Man United ee Cristiano Ronaldo ayaa ku guulaystay abaalmarinta xiddiga ugu fiican Man United ee bishii September.

Cristiano Ronaldo ayaa qaab ciyaareed cajiib ah soo bandhigay bishii September ee dhamaatay isaga oo Kooxdiisa ku hogaamiyay guulo muhiim ah bishii dhamaatay.

Ronaldo ayaa dhaliyay 5 gool tartamada oo dhan bishii September waxana uu sidaas darteed ku mutaystay in uu ku guulaysto abaalmarinta xiddiga ugu fiican kooxda.

Xiddiga 36 jirka ah ayaa dhanka kale kooxdiisa guul soo laabasho leh ku hogaamiyay kulankii Aston Villa champions League waxana uu sii wadaa wacdarihii uu dhigayay.

1 Comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*