Cristiano Ronaldo Oo Ku Dhaw Rikoodh Taariikhi Ah Oo Kubada Cagta Ah

Xiddiga kooxda Juventus ee Cristiano Ronaldo ayaa ku sii dhawaanaya rikoodhka Pele ee xiddiga ugu goolasha badan taariikhda kubada cagta kadib labadii gool ee uu ka dhaliyay kooxda Cagliari.

Xiddiga Cristiano Ronaldo ayaa noqday xiddiga 2-aad ee ugu goolasha badna taariikhda kubada cagta kadib labadii gool ee uu dhaliyay kulankii Cagliari.

Xiddiga Critsiano ayaa dhaliyay 102 gool oo xulka Portugal ah halka uu labadii gool ee uu ka dhaliyay kooxda Cagliari noqday goolkii 646-aad.

Guud ahaan Cristiano Ronaldo ayaa dhaliyay 748 gool kadib 1,024 kulan oo uu ciyaaray isaga oo 856 kulan u ciyaaray kooxaha halka uu xulka u ciyaaray 168 kulan.

Ronaldo oo 35 jir ah ayaa haatan ku dhaw in uu jabiyo rikoodhka goolasha ee Pele oo dhan 767 gool marka loo eego in uu Ronaldo doonayo in uu sii ciyaaro ilaa dhamaadka 30 jirkiisa.

Ronaldo edged closer to Pele's record with a brace against Cagliari

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*