Cristiano Ronaldo Oo Ka Wal-Walsan Dhaq-Dhaqaaqa Suuqa Kala Iibisga Ee Man United.

Xiddiga kooxda Man United ee Cristiano Ronaldo ayaa ka walwalsan Dhaq-Dhaqaaqa Suuqa Kala Iibisga Ee Man United sida ay sheegayaan wararka ka imanaya Spain.

Xilli ay Kooxihii isku baacsanayay horyaalka premier League xilli ciyaareedkii hore ee Man City iyo Liverpool sameeyeen saxiixyada Erling Haaland & Darwin Nunez hadana Tababaraha Man United ee Erik Ten Hag ayaan wali wax saxiix ah samayn suuqa.

Red Devils ayaa si weyn loola xidhiidhinayaa saxiixa xiddigaha Frenkie de Jong & Christian Eriksen laakiin United ayaan wali wax saxiix ah samayn.

Sida laga soo xigtay wargayska AS, Ronaldo ayaa ka wal-walsan dhaq-dhaqaaqa suuqa kala iibsiga ee kooxda Man United.

Wargayska ayaa sheegaya in uu xiddigu ka wal-walsanyaay qorshaha kooxda ee suuqa kala iibsiga marka loo bar-bar dhigo kooxaha kale ee premier League.

Isla wargayska ayaa sheegaya in uu Ronaldo markii hore doonayay in uu dhamaysto heshiiska uu kula jiro kooxda laakiin haatan shaki weyn ka qabo saxiix la’aanta kooxda ee suuqa xagaaga.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*