Cristiano Ronaldo Oo Ka Laabtay Go’aankiisii Ku Aadanaa Ku Biirista Man United Koox Kale Ayuu Doortay.

Xiddiga Cristiano Ronaldo ayaa haatan wakhti adag ku qaadanaya kooxda Juventus waxana lagu soo waramayaa in uu doonayo in uu isaga tago kooxda Isaga oo ugu cad-cad in uu ku biiro kooxda PSG.

Wakiilka Xiddiga ee Jorge Mendes ayaa dhawaan la sheeayay in uu ka shaqaynayo sidii uu Xiddigu ugu laaban lahaa kooxda Man United.

Laakiin wargayska Tuttosport ayaa haatan sheegaya in ay kooxda Juventus ugu cad-cadahay saxiixa xiddiga Ronaldo sidoo kale xiddiga laftiisu diyaar u yahay in uu ku biiro kooxda reer France.

Kadib markii uu bur-buray qorshihii Super League milkiilayaasha Man United ayaan doonayn in ay u dhaqaaqaan saxiixa Cristiano Ronaldo sabab la xidhiidha in ayna wood u lahayn saxiixa xiddiga.

Sidaas darteed kooxda PSG ayaa haatan ugu cad-cad saxiixa xiddiga reer Portugal iyaga oo aaminsan in ay heli karaan saxiixiisa dhamaadka xilli ciyaareedkan.

Sii Akhriso: U Gaar Ah Ragga: Ninow 4-tan Arin Ha U Sheegin Gabadha Hadii Aad Si Dhab Ah U Jeceshahay.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*