Cristiano Ronaldo Oo Fariin U Diray Erik Ten Hag

Xiddiga weerarka uga ciyaara kooxda Cristiano Ronaldo ayaa ka hadlay magacaabista Erik Ten Hag kaas oo noqon doona tababaraha cusub ee kooxda wixii xilli ciyaareedkan ka dambeeya.

Erik Ten Hag ayaa noqon doona tabaabraha cusub ee Man United isaga oo shaqada ka badali doona Ralf Ragnick kaas oo si ku meel gaadh ah u hayay shaqada kooxda Man United.

Tababare Ten Hag ayaa shaqadiisa bilaabi doona shaqada bisha July ee soo socota isaga oo kooxdiisa u diyaarin doona xilli ciyaareedka dambe.

Cristiano Ronaldo oo ka hadlaya arintaas ayaa yidhi”dhamaanteen waan ku faraxsanahay, kaliya ma ahan xiddigaha kooxda laakiin sidoo kale taageerayaasha”.

“Waa in aan Rumaysano in aan xilli ciyaareedka dambe ku guulaysan karno koobab”.

“Ten Hag waxa uu shaqo fiican ka qabtay Ajax waana tababare khibrad leh laakiin waa in aan wakhti siino”ayuu sii raaciyay.

“Arrimuhu waa in ay isku badalaan sida uu rabo”.

“Hadii uu Shaqo fiican qabto Man United oo dhan ayaa guulaysan doonta, sidaas darteed Nasiib wacan ayaan u rajaynayaa, dhamaanteen waan ku faraxsanahay imaatinkiisa”ayuu sii raaciyaty.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*