Cristiano Ronaldo Oo Ka Hadlay Ku Soo Laabashadiisa Man United Waliba Kashifay Halka Arin Ee Ka Go’an

Cristiano Ronaldo ayaa ku adkeystay ku laabashada Manchester United inay tahay ‘go’aankii ugu fiicnaa’ ee uu sameeyay ka dib markii xiddiga shanta jeer ku guuleystay Ballon d’Or uu laba gool dhaliyay kulankiisii ​​ugu horreeyey ee kooxda.

Xiddiga 36 jirka ah ayaa dib ugu soo biiray Man United kadib 12 bilood oo uu ka maqnaa kooxda isaga oo ku soo biiray suuqii xagaga ee dhawaan xidhmay.

Weeraryahanka ayaa koobab kula guulaystay kooxda markii ugu horaysay ee kooxda ku soo biiray waxana uu haatan ugu soo laabtay si uu mar kale koobab ugu hogaamiyo kooxda.

Ronaldo ayaa shabaqa soo taabtay iyadoo United ay 4-1 ku garaacday Newcastle, kabtanka Portugal ayaana ku adkeysanaya in ku laabashada kooxdiisii ​​hore ay aheyd wax sax ah.

“Waa go’aanka ugu fiicnaa ee aan qaatay. Waxay ahayd waqtigii ku habboonaa”ayuu Ronaldo ku yiri wareysi uu siiyay Telefoot.

“Waxaan rabaa inaan taariikh sameeyo, ka caawiyo Manchester inay hesho natiijooyin wanaagsan oo ay koobab ku guuleysato”.

Sii Akhriso: Waxyaabaha Uusan Ninku Weydiin Gabadha Uu Jecelyahay

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*