
Cristiano Ronaldo ayaa sida muuqata taageero u ah Bruno Fernands Isaga oo “Like” saaray goolkii uu ka dhaliyay kooxda Istanbul Basaksehir kulankii champions League.
Xiddiga reer Portugal ayaa gool qurux badan u dhaliyay kooxdiisa daqiiqadii 19-aad isaga oo hogaanka u dhiibay kooxdiisa.
Xiddiga Kooxda Juventus ee Cristiano Ronaldo ayaa la socda wax qabadka xiddiga ay isku xulka yihiin isaga oo “Like” Saaray Sawir Fernandes oo u dabaal dagaya goolkii 1-aad ee uu ka dhaliyay kooxda Istanbul Basaksehir.
Xiddiga Bruno Fernandes ayaa wacdaro dhigaya tan ilaa markii uu ku soo biiray kooxda Man United isaga oo ka mid noqday xiddigaha ugu fiican kooxda.
Be the first to comment