Cristiano Ronaldo Oo Jabiyay Rikoodh Taariikhi Ah Oo Jiray 95 Sano.

Xiddiga kooxda Juventus ee Cristiano Ronaldo ayaa 2 gool dhaliyay kulankii ay Juventus ka hadhay tartanka champions League xilli ciyaareedkan.

Xiddiga reer Portugal ayaa jabiyay rikoodh taariikhi ah oo jiray 95 sano kadib markii uu dhaliyay goolkii 1-aad ee rikoodhada ahaa ee kooxdiisa.

Cristiano Ronaldo ayaa noqday xiddigii goolasha ugu badan u dhaliyay kooxda Juventus xilli ciyaareed kaliya tartamada oo dhan

Sidaas darteed xiddiga 35 jirka ah ayaa jabiyay rikoodhka oo la dhigay sanadkii 1925-kii oo la macno ah 95 sano ka hor isaga oo dhaafay Xiddigii hore ee kooxda Ferenc Hirzer kaas oo dhaliyay 35 gool.

Cristiano Ronaldo ayaa kadib rikoodh kale dhigay kadib goolkii 2-aad ee kooxdiisa isaga oo dhaliyay 36 gool tartamada oo dhan.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*