Cristiano Ronaldo Oo Jabiyay Rikoodh kale Oo Euro ah

Cristiano Ronaldo ayaa jabiyay rekoodhk koobka qaramada Yurub ah kadib guushii Portugal ee fiidnimadii Salaasadii.

Xiddiga 5 jeer ku guulaystay Balon d’Or ayaa ku bilowday ciyaarta waxana uu noqday xiddigii ugu horeeyay ee ciyaara ama ka qayb qaata 6 tartan oo euro ah.

Sidoo kale xiddiga reer Portugal ayaa dhigay rikoodh kale kadib guushii xulkiisa.

Ronaldo ayaa sameeyay 43 fursadood taariikhda tartanka waxana uu noqday xiddigii ugu horeeyay ee sidaas sameeyay taariikhda tartanka.

Ronaldo ayaa dhaafay halyeeyga reer Portugal ee Luis Figo kaas oo rikoodhka haystay markii hore.

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga