Cristiano Ronaldo Oo Isha Ku Haya Rikoodh Kale Oo Champions Leaugue

Cristiano Ronaldo ayaa qarka u saaran inuu jabiyo rikoor kale kulanka caawa iyada oo uu xiddiga 36 jirka ah noqon doono xiddiga kulamada ugu badan u saftay taariikhda tartanka isaga oo ciyaari doona kulankiisii 178-aad.

Iyada oo qalbia lagu hayo in uu safan doono kulankiisii 178-aad ee tartanka kulanka Villarreal waxa uu dhaafi doonaa Iker Casillas oo ay haatan ka wada simanyihiin waliba wada safteen 177 kulan.

Ronaldo ayaa dhanka kale ah xiddiga ugu goolasha badan taariikhda tartanka isaga oo dhaliyay 135 gool laakiin waligiis kama dhalin gool kooxda Villarreal isaga oo xiddig United ah inkasta oo uu iyaga rikoodh fiican ku lahaa markii uu joogay Real Madrid.

Cristiano Ronaldo ayaa haatanba dhaliyay gool champions league kadib markii uu gool ka dhaliyay kooxda Young Boys kulankii 1-aad ee wareega Group-yada ee Man United.

CR7 ayaa kulanka caawa soo gali doona in uu dhaliyo goolkiisii 2-aad ee tartanka champions League xilli ciyaareedkan si uu u sii wato gool dhalintiisa cajiibka ah ee champions League.

Sii Akhriso: Gabadheey!! Ma Doonaysaa In Aad Ogaatid In Uu Ninku Yahay Mid Kugu Haboon Adiga, Ma Doonaysaa In Aad Ku Ogaatid Shakhsiyadiisa Kulanka Ugu Horeeya, 3-dan Su’aal Ayaa Kaaga Filan.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*