Cristiano Ronaldo Oo Guuldaro Ka Badbaadiyay Juventus, Torino Ayay Bar-Baro La Galeen.

Kooxda Juventus ayaa sii wada natiijooyinkii xumaa ee horyaalka Serie A-da xilli ciyaareedkan kadib bar-baro niyad jab leh oo ay kala kulmeen kooxda ay jaarka yihiin ee Torino.

Kooxda Juventus ayaa si dar-dar leh ku bilaabatay ciyaarta iyaga oo Torino ku qaadayay weeraro aan kala joogsi lahayn iyaga oo ku raadinayay sidii ay u dhalin lahaayeen goolal.

Daqiiqadii 13-aad ayay Juventus dhalisay goolka 1-aad iyaga oo uu u dhaliyay xiddiga Federic Chiesa kaas oo hogaanka u dhiibay kooxdiisa kana dhigay ciyaarta 1/0.

Kooxda Torino ayaa bilowday sidii ay ugu soo laaban lahay ciyaarta iyaga oo qaadayay weeraro rogaal celis ah oo ay ku doonayso in ay ku soo laabato ciyaarta.

Daqiiqadii 27-aad ayay Torino Dhalisay goolka bar-baraha waxana u dhaliyay xiddiga Antonio Sanabria kaas oo ciyaarta ka dhigay bar-baro 1/1 ah oo ay labada kooxood bar-baro ku yihiin.

Waxa sidaas ku dhamaatay qaybta hore ee ciyaarta oo ay Labada kooxood bar-baro ku yihiin inkasa oo ay kooxda Juventus ahayd kooxda fiican.

Qaybtii dambe ayay Torino si dar-dar leh ku bilaabatay iyaga oo raadinayay in ay dhaliyaan gool kale hogaanakana u qabtaan ciyaarta.

Daqiiqadii 46-aad ayay Torino dhalisay goolka 2-aad iyaga oo uu u dhaliyay xiddiga Antonio Sanabria kaas oo ciyaarta ka dhigay 2/1 ay kooxdiisu ku hogaaminayso ciyaarta.

kooxda Juventus ayaa wax walba u samaysay sidii ay u dhalin lahayd goolka bar-baraha iyaga oo goobo galiyay kooxda Torino kuwaas oo dhankooda difaac galay.

Daqiiqadii 79-aad ayay Juventus dhalisay goolka 2-aad ahna goolka bar-baraha waxana u dhaliyay xiddiga Cristiano Ronaldo kaas oo ciyaarta ka dhigay bar-baro 2/2 ah.

Waxa sidaas ku dhamaatay ciyaarta oo ay Juventus bar-baro niyad jab leh kala kulantay kooxda Torino xilli ay wali sii socdaan natiijooyinka xun ee kooxdu.

Sii Akhriso: Waa Maxay Sababta Aan Loo Iloobin Jacaylka Ugu Horeeya?

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*