Cristiano Ronaldo Oo Guuldaro Ka Badbaadiyay Juventus, Atalanta Ayay Bar-Baro La Gashay.

Cristsinao Ronaldo ayaa guuldaro ka badbaadiyay kooxdiisa Juventus kulan ka dhacay garoonka Allianz Stadium kana tirsanaa horyaalka Serie A-da.

Kulanka ayaa ahaa mid xiiso leh oo ay labada kooxood soo bandhigeen qaab ciyaareed cajiib ah isuguna jawaabayeen weerar iyo weerar celis.

Kooxda Atalanta ayaa si dar-dar leh ku bilaabatay ciyaarta iyaga oo Juventus ku qaadayay weeraro halis ah oo khatar galiyay Goolka kooxda Juventus.

Daqiiqadii 16-aad ayay Atalanta dhalisay goolka 1-aad ee ciyaarta iyaga oo uu u dhaliyay xiddiga Duvan Zapata kaas oo ciyaarta ka dhigay 1/0 ay Atalanta ku hogaaminayso ciyaarta.

Labada kooxood ayaa is dhaafsaday weerarada iyaga oo sameeyay fursado badan oo ayna wax gool ah u badalin.

Waxa sidaas ku dhamaatay qaybtii hore ee ciyaarta iyada oo Atalanta hogaaminayso labada kooxoodbana soo bandhigeen qaab ciyaareed cajiib ah.

Cristiano Ronaldo ayaa daqiiqadii 55-aad ee qaybta dambe kooxdiisa u dhaliyay goolka bar-baraha isaga oo gool u badalay rikoodhe loo dhigay kooxdiisa.

Laakiin Atalanta ayaa daqiiqadii 81-aad mar kale hogaanka u qabatay ciyaarta iyaga oo uu gool gantaal ah u dhaliyay xiddiga Ruslan Malinovsky kaas oo ciyaarta ka dhigay 2/1.

Si kasta ha ahaatee Daqiiqadii 90-aad ayay Juventus heshay rikoodhe kale kaas oo uu gool u badalay xiddiga Cristiano Ronaldo kaas oo ciyaarta ka dhigay 2/2.

Waxa sidaas ku dhamatay ciyaarta oo uu Cristiano Ronaldo kooxdiisa ka badbaadiyay rikoodhe lama filaan ah oo ka soo gaadhi lahayd kooxda Atalanta.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*