Cristiano Ronaldo Oo Go’aansaday Kooxda Uu Ku Biiri Doono Xagaagan

Cristiano Ronaldo ayaa si aad ah u doonaya inuu u dhaqaaqo Paris Saint-Germain si uu ula midoobo Sergio Ramos xagaagan.

Warkan ayaa dhirbaaxo ku ah kooxda Man United kuwaas oo doonayay in ay helaan saxiixa xiddiga xagaagan si ay ugu xoojiyaan kooxda xilli ciyaareedka cusub.

Weeraryahanka Juventus ayaa ka fiirsanaya mustaqbalkiisa Juventus waxana uu shaki weyn ku jiray mustaqbalkiisa xilli ay kooxdu dhankeeda doonayso in ay iska iibis xiddiga.

Sida laga soo xigtay FootMercato, Ronaldo ayaa aad ula dhacay suuqa kooxda PSG ee xagaagan waxana uu doonayaa in uu ku biiro kooxda reer France.

Isla wargayska ayaa sheegaya in uu Cristiano Ronaldo aaminsanyahay in ay PSG dhisayso koox xilli ciyaareedka dambe ku guulaysan karta champions league waliba doonayo in uu ku biiro kooxda PSG.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*