Cristiano Ronaldo Oo Go’aan Ka Gaadhay Mustaqbalkiisa Juventus.

Xiddiga kooxda Juventus ee Cristiano Ronaldo ayaa lagu soo waramayaa in doonayo in uu sii joogo kooxda Juventus xilli ciyaareedka dambe.

Xilli xiddiga reer Portugal 2 sano uga hadhsanyahay heshiiskiisa kooxda Juventus waxa jiray warar sheegaya in uu xiddigu isaga tagayo kooxda dhamaadka xilli ciyaareedkan.

Kooxaha Chelsea, Man United iyo Marseille ayaa lala xidhiidhinayay saxiixa xiddiga reer Portugal kadib markii uu dhaqaale xumadu ku habsatay kooxda Juventus.

Laakiin wargayska Tuttosport ayaa sheegaya in uu Ronaldo si fiican ula qabsaday Juventus waliba ku dhiiran yahay in uu koobab kula guulaysto kooxda reer Italy.

35-sano jirkan ayaa door muhiim ah ciyaaray kooxdiisa kadib dib u bilaabistii xilli ciyaareedkan isaga oo gool dhaliyay 6 kulan oo xidhiidh ah Serie A-da.

Ronaldo ayaa xilli ciyaareedkan dhaliyay 32 gool tartamada oo dhan kadib qaab ciyaareedkii cajiibka ahaa ee uu soo bandhigay.

Sii Akhriso: XASAASI: Taliyaha Ciidamda Xooga Dalka Somalia Oo Qarax Ka Badbaaday .

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*