Cristiano Ronaldo Oo Go’aan Ka Gaadhay Mustaqbalkiisa Juventus, Maxaa Cusub?

Xiddiga garabka weerarka uga ciyaara kooxda Juventus ee Cristiano Ronaldo ayaa meesha ka saaray suurtagalnimo kasta oo uu kooxda uga tagi karo xagaagan.

Xiddiga 35 jirka ah ayaa qaab ciyaareed fiican ku soo bandhigay Juventus xilli ciyaareedkii hore isaga oo dhaliyay 37 gool tartamada oo dhan.

Inkasta oo ay kooxda juventus wakhti hore ka baxday champions League taasina su’aalo ka keentay mustaqbalkiisa kooxda hadana xiddiga ayaa go’aansaday in uu sii joogi doono kooxda xilli ciyaareedka dambe.

Xididga 5 Ballon d’Or ku guulaystay ayaa Instagram ku xaqiijiyay in uu xilli ciyaareedkiisa 3-aad ku qaadan doono kooxda Juventus xilli ciyaareedka dmabe.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*