Cristiano Ronaldo Oo Fariin U Diray Taageerayaasha Man United, Hal Arin Ayuu Ka Codsaday.

Xiddiga Cristiano Ronaldo ayaa ugu baaqay jamaahiirta Old Trafford inay sii wadaan riixida Manchester United si ay guul u gaaraan.

Waxa jirta dabaal dag waali ah oo ay sameeyeen taageerayaasha Man United kadib goolkii guusha ee uu Ronaldo ka dhaliyay Villarrea champions League Arbacadii.

Kadib dabaal daga iyo taageerada ay taageerayaashu u muujiyeen kooxda kulanka oo dhan, Ronaldo ayaa ugu baaqay taageerayaasha kooxda in ay dhamaan kulamada si weyn u taageeraan una riixaan kooxda.

“Mararka qaar xiddigaha, waxa ana isku daynaa in aan qabano shaqadeena, in aan u ciyaarno si fiican waliba aan goolal dhalino laakiin mararka qaar ma suurtagasho”.

“Taageerayaashu waxa ay leeyihiin door muhiim ah waana in ay na riixaan ilaa dhamaadka waana sababta aan u waydiinayo in ay sidaas samayn karaan”.

“Waxa ay nasiiyaan dhiiri galin si aan u ciyaarno una rumaysano in aan badin karno kulanka”.

Sii Akhriso: Fariimo Jacay: Gabadheey Ma Doonaysaa In Aad Xoojiso Jacaylka Uu Gacaliyahaagu Kuu Qabo, Fariimahan U Dir

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*