Cristiano Ronaldo Oo Fariin Ku Saabsan Mustaqbalkiisa U Diray Maamulka Juventus.

Xiddiga kooxda Juventus ee Cristiano Ronaldo ayaa lagu soo waramayaa in uu doonayo in uu heshiis cusub u saxiixo kooxda Juventus inkasta oo ay jiraan warar sheegaya in kooxda David Beckham doonayso saxiixiisa.

Cristiano Ronaldo ayaa Juventus ku soo biira xagaagii 2018 isaga oo kaga soo biiray kooxda Real Madrid waxana uu kooxda la gaadhay guulo koobabka maxaliga ah.

Wargayska Tuttosport ayaa sheegaya in uu Cristiano Ronaldo maamulka Kooxdiisa ka dalbaday in ay heshiis cusub ka saxiixdaan kaas oo gaadaya iyaa xagaaga 2022.

Si kasta ha ahaatee kooxda Juventus ayaa ka meer-Meeraysa in ay heshiis cusub ka saxiixato xiddiga Sbab la xidhiidha da’diida iyo mushaharka uu qaato.

1 Comment

  1. koox wayn oo odhanaysa Ronaldo waxan kuu ─║asoo sixixanay in aad champion noo qaado ar isku xishoodo dheh

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*