Cristiano Ronaldo Oo Fariin Digniin Ah U Diray Man United Kadib Guuldaradii Aston Villa

Cristiano Ronaldo ayaa ugu baaqay Manchester United inay ka soo kabsato guuldaradii ay kala kulantay Aston Villa iska markaas muujiyaan awoodooda dhabta ah.

Red Devils ayaa la kulantay guuldaradii ugu horaysay horyaalka premier League kadib markii ay guuldaro kala kulmeen kooxda Aston Villa kulan ka dhacay Old Trafford.

Bruno ayaa fursad u helay in uu dhaliyo goolka bar-baraha laakiin waxa uu khasaariyay rikoodhe loo dhigay kooxdiisa daqiiqadii ugu dambaysay ee ciyaarta.

Ronaldo ayaan dhankiisa soo bandhigin qaab ciyaareed fiican isaga oo ku fashilmay in uu wax saamayn ah ku yeelan ciyaarta inkasta oo uu dhamaystirtay ciyaarta.

Kadib guuldarada Cristiano Ronaldo ayaa fariin u diray kooxdiisa waxana uu yidhi”Tani waa bilowg, laakiin tartanka premier League waa mid adag, dhibic kasta waa in lagu xisaabtamo”.

“Sidaas darteed waa in aan ka fal celinaa guuldaraii na soo gaadhay waliba aan dib ugu istaagno lugeheena, waliba aan muujino awoodeena dhabta ah”ayuu sii raaciyay.

Sii Akhriso: Ma Dhacdaa In Uu Nin Kuu Yeedho “Quruxleyda”, Waliba Mar Walba Ma Adeegsadaa Kalmadaas, Hadaba Halkan Kaga Bogo Waxa Uu Uga Jeedo & Macnaha Ay Leedahay.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*