Cristiano Ronaldo Oo Doonaya In Uu Ku Laabto Koox UU Horay Ugu Soo Ciyaaray, Real Mise Man United?

Xiddiga kooxda Juventus ee Cristiano Ronaldo ayaa lagu soo waramayaa in uu kooxda Real Madrid wax ka waydiiyay suurtagalnimada uu ugu laaban karo kooxda xilli uu shak ku jiro mustaqbalkiisa Juventus.

Wargayska MARCA ayaa sheegaya in uu Cristiano Ronaldo doonayo in uu ku laabto kooxda Real Madrid waliba xidhiidh la sameeyay kooxda Real Madrid si uu ugala hadlo ku laabashada kooxda marka uu ka tago kooxda.

Wararka ayaa sheegaya in uu xiddiga reer Portugal xidhiidh xun la lahaa kooxda Real Madrid tan ilaa markii uu ka tagay snaadkii 2018 laakiin uu haatan dib u dhisayo arintaas.

Cristiano Ronaldo ayaa wakhti fiican ku soo qaatay Real Madrid waxana uu kula soo guulaystay 4 champions League intii uu joogay kooxda.

Sidaas darteed xiddiga ayaa aaminsan in uu kaliya ku laaban karo kooxda Los Blancos hadii uu doonayo in uu sii wado ku guulaysiga koobabka gaar ahaan champions League.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*