Cristiano Ronaldo Oo Dabka Ku Sii Shiday Waraysigii Muranka Lahaa Ee Uu Bixiyay.

Xiddiga kooxda Man United ee Cristiano Ronaldo ayaa u jawaabay Maamulka Man United kuwaas oo Sharciga la tiigsanaya xiddiga reer Portugal kadib waraysigii uu bixiyay.

Cristiano Ronaldo ayaa sheegay in uu hadli doono marka uu isagu doonayo isla markaas uuna ka fikirayn waxa ay dadka kale ka aaminsan yihiin isaga.

Xiddiga reer Portugal ayaa waraysi muran badan dhaliyay sameeyay todobaadkii hore isla markaas weerar ku qaaday tababaraha, maamulka kooxda iyo waliba qaar ka mid ah xiddigaha kooxda.

Shir jaraa’id oo uu ku qabtay Qatar ka hor koobka adduunka ayuu Ronaldo yidhi”Waqtigu mar walba waa waqti, dhankaaga way fududahay inaad fiiriso sida aan u dooran karno waqtiyada”.

“Mararka qaar run baad qortaa, marna been baad qortaa”.

“Ma aha inaan ka walwalo waxa ay dadka kale ka fikirayaan, waxa aan hadlayaa marka aan doono”