Cristiano Ronaldo Oo Cadho Darteed Garoonka Uga Baxay Kulankii Everton

Xiddiga Cristiano Ronaldo ayaa isaga oo cadhaysan ka baxay garoonka kadib bar-barihii ay Man United la gashay Everton kulan ka tirsanaa horyaalka premier League.

Waxa jirtay lama filaan ciyaarta ka hor kadib markii xiddiga lagu bilaabay kaydka taas oo dhalisay muran badan oo dhinaca saxaafada, taageerayaasha iyo khabiirada ah.

United ayaa ku hor martay goolka kadib markii uu Anthony Martial u dhiibay hogaanka kooxdiisa laakiin xiddiga Andros Towsend ayaa dhaliyay goolka bar-baraha qaybtii dambe.

Kadib markii ay ciyaartu dhamaatay xiddiga 36 jirka ah ayaa la arkay isaga oo cadho bakhtiyaya isaga oo waliba si toos ah uga baxay garoonkoona isaga oo aan salaamin taageerayaasha kooxda.

Tan ilaa markii uu Ronaldo ku soo laabtay Man United waxa uu dhaliyay 5 gool tartamada oo dhan laakiin waa kulankii 4-aad ee ay Man United ku fashilanto in ay guul gaadho.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*