Cristiano Ronaldo Oo Bar-Bareeyay Rikoodh Uu Sergio Aguero Ka Dhigay Champions League.

Weeraryahanka Manchester United Cristiano Ronaldo ayaa barbareeyay rikoodh Champions League ah oo uu dhigay xiddiga kooxda Barcelona ee Sergio Aguero ka dib markii uu xilli dambe gool ka dhaliyay Villarreal.

Xilli ay Man United u muuqatay mid bar-baro galaysa ayuu xiddiga reer Portugal dhaliyay goolka guusha daqiiqadii 95-aad isaga oo kooxdiisa u hor seeday guul ay aad ugu baahnaayeen.

Goolkii muhiimka ahaa ee uu dhaliyay 36 jirku ayaa la macno ah in uu gool dhaliyay champions League daqiiqada 90-aad iyo wax ka badan markii 3-aad xirfadiisa ciyaareed.

Sidaas darteed Xiddiga reer Portugal ee Cristiano Ronaldo ayaa bar-bareeyay rikoodhkaas oo markii hore u yaalay xiddigii hore ee kooxda Man City Sergio Aguero.

Sii Akhriso: 3 Dumar Ah Oo Raggu Neceb Yihiin..Waa Kuwee?

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*