
Xiddiga weerarka uga ciyaara kooxda Juventus ee Cristiano Ronaldo ayaa bar-bareeyay rikoodh uu Lionel Messi ka dhigay tartanka champions League kadib goolkii uu ka dhaliyay kooxda Ferencvarosi kulan ka tirsanaa wareega Group-yada champions League.
Xiddiga Cristiano Ronaldo ayaa kooxdiisa U dhaliyay goolka bar-baraha kadib markii ay kooxda Ferencvarosi kaga hor martay goolka 1-aad ee ciyaarta.
Kadib goolkaas Xiddiga reer Portugal ee Cristiano Ronaldo aya dhaliyay goolkiisii 70-aad ee uu ka dhaliyay garoonka kooxdiisa tartanka champions League.
Weeraryahanka kooxda Juventus ee Crtiano Ronaldo ayaa sidaas darteed bar-bareeyay Lionel Messi oo rikoodhkaas kali ku ahaa markii hore.
Be the first to comment