Cristiano Ronaldo Oo Bar-Bareeyay Rikoodh Caalami Ah Oo Muddo Dheer Ka Yaalay Kubada Cagta.

Xiddiga reer Portugal ee Cristiano Ronaldo ayaa bar-bareeyay rikoodhkii Ali Daei ee muddad dheer yaalay kubada cagta ee 109-ka gool ahaa ee heerka caalami kadib markii uu 2 gool ka dhaliyay xulka France kulankii Euro 2020.

Xiddiga Juventus ayaa muujiyay in ay rikoodhadu mar kale isaga baacsadaan kadib markii uu laba rikoodhe dhaliyay kulankii uu xulka qarankiisu bar-baraha la galay xulka France kulan ka tirsanaa tartanka Euro 2020.

Kadib labadaas gool Ronaldo ayaa bar-bareeyay rikoodhkii heerka caalami ee mudada dheer loo dhawaan waayay isaga oo noqday xiddiga ugu goolasha badan taariikhda kubada heerka caalami isaga oo leh 109 gool.

Sidoo kale xiddiga 36 jirka ah ayaa dhaafay Halyeeyga reer Germany ee Miroslav Klose kaas goolasha ugu badan ee laga dhaliyo tartamada waaweyn sida koobka adduunka iyo tartanka Euro isaga oo dhaliyay 20 gool.

Sidoo kale waxa uu jabiyay rikoodhkii Michel Plattini ee xiddiga ugu goolasha badan tartanka Euro 2020 guushii uu xlkiisu ka gaadhay Hungary kulankii ugu horeeyay ee tartanka Euro 2020.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*