Cristiano Ronaldo Oo Alexis Sanchez & Angel Di Maria Ku Ceebaystay Rikoodh Cajiib Ah.

Xiddiga Cristiano Ronaldo ayaa haatanba barbareeyay rikoodhkii Goolasha ee Alexis Sanchez iyo Angel Di Maria ee Man United ee Premier League kadib laba kulan oo uu ciyaaray.

Xiddiga 36 jirka ah ayaa dhaliyay goolkiisii 3-aad ee premier League tan ilaa markii uu ku soo laabtay kooxda isaga oo goolashiisa kor ugu qaaday 3 gool kulankiisii 2-aad ee uu ciyaaray.

Xiddiga 5-ta jeer ku guulaystay Ballon d’Or-ka ayaa ceebaystay laba xiddig oo soo xidhay No.7 ee Man United isaga oo kaliya 2 gool ku bar-bareeyay rikoodhkoodii gool dhalinta premier League.

Sanchez ayaa Man United ku qaatay laba xilli ciyaareed isaga oo ciyaaray 35 kulan oo premier League ah laakiin kaliya dhaliyay 3 gool halka uu Di Maria Man United u ciyaaray 27 kulan oo premier League ah laakiin kaliya dhaliyay 3 gool.

Laakiin Cristiano Ronaldo ayaa kaliya u baahday 2 kulan si uu u bar-bareeyo goolashii ay labada xiddig u dhaliyeen Man United tartanka prmeier League.

Sii Akhriso: Daraasad Lagu Ogaaday Sir Cajiib Ah Oo Kordhisa Quruxda Gabadha In Ka Badan Waxyaabaha La Isku Qurxiyo, Xitaa Ragga Ayaa U Waaja Dumarka Sidaas Sameeya.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*