Cristiano Ronaldo Oo Afka Furtay Kana Hadlay Wararka La Xidhiidhinaya Barcelona.

Xiddiga kooxda Juventus ee Cristiano Ronaldo ayaa la sheegayaa in uuna wax niyad ah u ahayn in uu ka tago Juventus suuqa xagaagan.

Inkasta oo uu ku jiro bartamaha heshiiskiisa Juventus xiddiga 35 jirka ah ayaa si joogto ah loola xidhiidhinayaa in uu isaga tagayo Juventus.

Barcelona ayaa si lama filaan ah bartilmaameed ugu noqotay xiddiga reer Portugal iyada oo la sheegayo in ay juventus u soo bandhigtay.

Laakiin wargayska AS ayaa sheegaya in uuna xiddiga reer Portugal wax niyad ah u hayn in uu ku biiro Barcelona xagaagan maadama uu ku faraxsanyahay kooxda Juventus.

Cristiano Ronaldo ayaa Juventus u dhaliyay 65 gool 89 kulan oo uu u saftay tan ilaa markii uu yimid kooxda xagaagii 2018.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*