Cristiano Ronaldo Mise Patrik Schick? Ayaa Ku Guulaysan Doona Gool Dhalinta Euro 2020 Hadii Uu Tartanku Sidaas Ku Dhamaado

Waxa jira muran badan oo ka dhashay xiddiga ku guulaysan doona gool dhalinta euro 2020 marka uu dhamaado tartanka gaar ahaan marka la eegon ay laba xiddig isku goolal yihiin kana horeeyaan xiddigaha kale kuwaas oo kala ah Cristiano Ronaldo iyo Patrik Schick kuwaas oo leh min 5 gool laakiin labadooduba ka hadhay tartanka.

Kaliya waxa jira 3 xiddig oo ku hadhay tartanka Euro 2020 oo ku guulaysan kara gool dhalinta euro 2020 waxana ay kala yihiin xiddigaha Harry Kane, Raheem Sterling iyo Kasper Dolberg kuwaas oo leh min 3 gool.

Hadii ayna xiddigaha Kasper Dolberg, Sterling iyo Harry Kane gaadhin 5 gool iyo wax ka badan waxa gool dhalinta ku guulaysan doona Cristiano Ronaldo inkasta oo uu Patrik Schick la goolal yahay.

Xeerka u yaala Euro 2020 ayaa ah hadii ay laba xiddig isku goolal noqdaan waxa la qiimaynayaa xiddiga sameeyay caawinta goolasha ugu badan taas oo la macno ah in uu Ronaldo hal caawin sameeyay tartanka Euro 2020.

Cristiano Ronaldo ayaa caawiye ka noqday gool kulankii uu xulka Portugal guuldarada kala kulmay Germany goolkaas ayaana ka caawin doona in uu guulaysto gool dhalinta Euro 2020

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*