Cristiano Ronaldo Mise Lionel Messi? Trent Alexander-Arnold Oo Ku Biiray Muranka Aan Dhamaadka Lahayn Ee Xiddiga Ugu Fiican Adduunka.

Xiddiga kooxda Liverpool ee Trent Alexander-Arnold ayaa ku biiray muranka aan joogsiga lahayn ee xiddiga ugu fiican adduunka ee xiddigaha Cristiano Ronaldo & Lionel Messi.

Inkasta oo ay labada xiddig ka ciyaarayaan laba horyaal oo kala duwan hadana waxa wali sii socota is bar-bar dhiga Labada xiddig ee ugu fiican adduunka sanadihii ugu dambeeyay ee Cristiano Ronaldo & Lionel Messi.

Xiddigaha Cristiano Ronaldo & Lionel Messi ayaa kulan walba oo ay ciyaaran dhiga rikoodh cusub ama jabiya rikoodh aan muddo dheer la jabin iyaga oo isku qoraya taariikhda kubada cagta.

Labada xiddiga ayaa abaalmarinta xiddiga ugu fiican ku guulaystay 11 oo ka mid ah 10-kii sano ee ugu dambeeyay iyaga oo lagu qiimeeyo xiddigaha ugu fiican taariikhda kubada cagta.

Laakiin waxa uu muran weyn ka taaganyahay midkooda ah xiddiga ugu fiican adduunka wakhti xaadirkan iyada oo taageerayaasha Ronaldo ku doodaan in uu isagu yahay midka ugu fiican halka ay taageerayaasha Messi ku doodaan in uu isagu yahay midka ugu fiican.

Advertisements

Sidoo kale xiddigaha kubada cagta ayaa mar walba ku jira murankaas iyaga oo fikirkooda ka dhiibta midkooda fiican labada xiddig ee u kala ciyaara Juventus iyo Barcelona.

Xiddiga kooxda Liverpool ee Trent Alexander-Arnold ayaa markiisa la waydiiyay midkooda fiican labada xiddig ee Cristiano Ronaldo iyo Lionel Messi.

Trent Alexander-Arnold ayaa ku dhex jiray waraysi uu siinayay Majalada British GQ markii la waydiiyay xiddiga ugu fican adduunka xiddigaha Cristiano Ronaldo iyo Lionel Messi.

Saxafiga ayaa Trent Alexander-Arnold waydiiyay”Cristiano Ronaldo Mise Lionel Messi? waxana uu jawaab gaaban ku bixiyay” Aniga Messi”.

Sii Akhriso: U Gaar Ah Lamaanah: Samaynta Caafimaad Ee Uu Kulanka Sariirta Joogtada Ah Ku Yeesho Jidhka, Akhriso Xogan Muhiimka Ah.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*