Cristiano Ronaldo Mise Lionel Messi? Pele Magacaabay Xiddiga Ugu Fiican Adduunka & Sababta Oo Uu Sharaxay.

Halyeeyga Kubada cagta ee Pele ayaa sheegay in uu Cristiano Ronaldo yahay xiddiga ugu fiican adduunka kana horeeyo xiddiga ay xafiiltamaan ee Lioenl messi.

Halyeeyga reer Brazil ayaa ku biiray muranka aan joogsiga lahayn ee u dhexeeya xiddigaha Cristiano Ronaldo iyo Lionel Messi xilli ay kubada cagtu ku maqan tahay fasax.

“Maanta Cristiano ayaa ah xiddiga ugu fiican adduunka, inkasta oo aan Messi la iloobi karin”ayuu Pepe yidhi.

“Si kasta ha ahaatee Cristiano ayaa ah xiddiga dagan, Messi-na ma ahan Gool dhaliye”.

“Sababta uu Cristiano Ronaldo ugu fiican yahay ayaa ah in uu yahay xiddiga sida joogtada ah qaab ciyaareed fiican u soo bandhiga mar walba”ayuu Pele sii raaciyay.

Advertisements

Xiddigaha Cristiano Ronaldo iyo Lionel Messi ayaa lagu qiimeeyaa labada xiddig ee ugu fiican qarniga 21-aad iyaga oo ka fiican xiddigo badan oo ciyaaray kubada cagta wakhi xaadirkan.

Labada xiddig ayaa mar walba la is bar-bar dhigaa marka la soo hadal qaado xiddiga ugu fiican kubada cagta iyada oo taageere kasta ku doodo in uu xiddiga uu taageero yahay midka fiican.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*