Cristiano Ronaldo Mise Lionel Messi? Frank Lampard Oo Ku Biiray Muranka Midkooda Fiican Labada Xiddig.

Tababaraha Kooxda Chelsea ee Frank Lampard ayaa ku biiray muranka aan joogsiga lahayn ee ku saabsan midka fiican xiddigaha Cristiano Ronaldo iyo Lionel Messi.

Labada xiddig ayaa ah xiddigaha ugu fiican kubad cagta adduunka sanadihii ugu dambeeyay iyaga oo sanad walba ku tartama abaalmarinta xiddiga ugu fiican adduunka kubada cagta.

Labada xiddig ayaa dhexdooda ku guulaystay 11 abaalmarin sanadihii ugu dambeeyay iyaga oo kulan walba oo ay ciyaaraan dhiga rikoodh khaas ah.

Markii la waydiiyay in uu kala doorto labada xiddig ee Lionel Messi iyo Cristiano Ronaldo ayuu Lampard yidhi”Waxa aan dooranayaa Lionel Messi”.

“Sababta oo ah Lionel Messi waa xiddig haybad u leh kubada cagta laakiin sidoo kale waxa uu Ronaldo sameeyay ayaa ah wax fiican”.

Sii Akhriso: Madaxweynaha Somaliya Maxamed Cabdulaahi Farmaajo Oo Fariin U Diray Turkey-ga Kadib Dhul Gariirkii Izmir

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*