Cristiano Ronaldo Mise Lionel Messi? Arthur Melo Oo Noqday Xiddigii Ugu Dambeeyay Ee Is Bar-Bardhig Ku Sameeyay Midkooda Fiican Labada Xiddig.

Xiddiga khadka dhexe uga ciyaara kooxda Juventus ee Arthur Melo ayaa noqday xiddigii ugu dambeeyay ee is bar-bardhig ku sameeya xiddigaha Cristiano Ronaldo iyo Lionel Messi.

Xiddiga Arthur Melo ayaa sheegay qaabka uu Cristiano Ronaldo uga fiican yahay ama uga duwan yahay xiddiga kooxda Barcelona ee Lionel Messi.

Xiddiga reer Brazil ayaa ka garab ciyaaray labada xiddigba maadmaa uu Messi kaga soo garab ciyaaray Barcelona haatana kaga garab ciyaaro Ronlado kooxda Juventus.

“Cristiano Ronaldo waxa uu isku qeexaa in ka badan Lionel Messi, waxana uu xidhiidh dhaw la leeyahay dhamaan xiddigaha qolka labiska”ayuu Arthur u sheegay Desimpedidos.

“Waa xiddig fir-fircoon marka lagu jiro qolka labiska waxana uu la hadlaa cid walba waxana uu xidhiidh fiican la leeyahay dhamaan xiddigaha kooxda”ayuu sii raaciyay.

“Qof walba waxa uu leeyahay qaab gaar ah oo uu waxa u hogaamiyo, Messi waxa uu ku sameeyaa ficil inkasta oo ayna cid walba u muuqan”

“Waxa uu Messi muujiyaa hogaamintiisa marka uu kubada helo saaxiibadii oo dhan ayaana fahma”.

Sii AKhriso: Qaabka Aad U Xoojin Kartiin Jacaylkiina, Tallo Muhiim Ah

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*