Cristiano Ronaldo: Man United Uma Iman In Aan Ku Dhamaysto Kaalinta 6-aad & 7-aad, Laakiin Halkan Arin Ayaan U Imid

Cristiano Ronaldo ayaa si cad uga hadlay in sababta uu ugu soo laabtay Man United tahay in uu koobab ku guulaysto xilli ay Man United si weyn u dhibataoonayso xilli ciyaareedkan.

Man United ayaa si xun ku bilaabatay xilli ciyaareedkan taas oo keentay in shaqada laga caydhiyo Ole Gunnar Solskjaer laguna badalo Ralf Ragnick bishii November.

Laakiin Red Devils ayaa wali dhibaatoonaysa iyaga oo aan wax weyn iska badalin sidii ay ahayd markii uu tababarihii hore hogaaminayay kooxda.

“Anigu Man United uguma soo laaban si aan ugu dhamaysto kaalinta 6-aad ama 7-aad xitaa 5-aad”ayuu Ronaldo yidhi.

“Waxa aan halkan u imid in aan guulo gaadho oo aan koobab u tartamo”ayuu hadalkiisa sii raaciyay.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*