Cristiano Ronaldo Cadaadis Waali Ah Ayuu Saarayaa Ole Gunnar Solskjaer Hadii Uu Sameeyo Sidan

Kabtankii hore ee Manchester United Gary Neville ayaa sheegay in Cristiano Ronaldo uu cadaadis weyn saari doono tababaraha Red Devils Ole Gunnar Solskjaer haddii uu sii wado inuu muujiyo sida uu uga xun yahay natiijooyinka xun.

Ronaldo ayaa laga reebay shaxda Rasmiga ah kulankii Sabtidii laakiin waxa uu soo galay qaybtii dambe kulanka oo ku dhamaaday bar-baro 1/1 ah.

Xiddiga reer Portugal ayaa dhamaadkii ciyaarta u muuqday mid aad uga xanaaqay natiijada sidoo kale si toos ah uga baxay ciyaarta xilli ay xiddigaha kooxdu taageerayaasha salaamayaan.

Neville ayaa sheegay in ficilka Ronaldo cadaadis saari doonto tababaraha kooxda Man United ee Ole Gunnar Solskjaer.

“Waan daawaday ciyaarta waxaanan daawaday isaga oo iska sii baxaya, ma dhihi karo waan ka helay, Cristiano miyuu xanaaqsan yahay marka uusan ciyaarin? Haa. Cristiano miyuu xanaaqsan yahay marka uusan gool dhalin? Haa. marka kooxdu aysan guulaysan? Dabcan, ”Neville ayaa ka sheegay Podcast -ka Gary Neville.

“Waan ognahay waxyaabahaas. Ma aha inuu caddeeyo taas. bixitaankiisuna waxa ay keenaysaa su’aalaha, ayuu ka cadhooday? kaliya cida uu u xanaaqay waa tababarhaa”.

“Cristiano waxa uu ogyahay in talaabooyinkan oo kale ay cadaadis waali ah saarayaan tababaraha, waana waxa ay tahay”.

“Cristiano had iyo jeer ma doonayo inuu goolal dhaliyo, waxaana laga yaabaa inuusan ciyaari karin kulan kasta, laakiin haddii uu sidaas u sii socdo, waxay cadaadis weyn saari doontaa Ole Gunnar Solskjaer.”

Sii Akhriso: Ragga Mise Dumarka? Keebaa Kalgacal badan Marka Uu Jacaylka Ku Dhoco?

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*