Cristiano Ronald Oo La Soo Qabtay Tartanka Gool Dhalinta Euro 2020.

Tartanka Euro 2020 ayaa meel xiiso leh maraya iyada oo la gaadhay Semi-final-ka tartanka kaas oo ay isugu soo hadheen 4 xul oo ku tartami doona gaadhista final-ka tartanka.

Dhanka kale tartanka gool dhalinta ayaa meel xiiso leh maraya iyada oo ay 2 xiddig isku goolal yihiin laakiin labadooduba ka hadhay tartanka oo aanay ku jirin xulalka gaadhay Semi-final-ka tartanka.

Xiddiga reer Portugal ee Cristiano Ronaldo ayaa ilaa haatan leh 5 gool oo uu ka dhaliyay kulamadii uu ciyaaray tartanka waxana la goolal ah xiddiga kooxda reer Czech Rebpulic ee patrik schick kaas oo leh 5 gool.

Xiddigaha Emil Forsberg, Karim Benzema Iyo Romelu Lukaku ayaa dhankooda leh min 4 gool laakiin xiddigahas ayaa dhamaantood ka hadhay tartanka Euro 2020.

Xiddigaha reer England ee Harry Kane iyo Raheem Sterling, xiddiga reer Denmark ee Kasper Dolberg ayaa ah xiddigha fursadaha u haysta in ay dhaafaan Ronaldo iyo schick maadama ay min 3 gool leeyihiin walina tartanka ku jiraan.

No.XiddigaXulkaDa’daGoolasha
1.Cristiano RonaldoPortugal365
2.Patrik SchickCzech Republic255
3.Emil ForsbergSweden294
4.Karim BenzemaFrance334
5.Romelu LukakuBelgium284
6.Georginio WijnaldumNetherlands303
7.Haris SeferovicSwitzerland293
8.Harry KaneEngland273
9.Kasper DolbergDenmark233
10.Raheem SterlingEngland263
11.Robert LewandowskiPoland323
12.Xherdan ShaqiriSwitzerland293

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*