Juventus Oo Hal Lug La Gashay Finalka Coppa Italia & Cristiano Ronalado Oo Ka Caawiyay Guul Muhiim Ah.

Kooxda Juventus ayaa hal lug la gashay Final-ka Tartanka Coppa Italia kadib guul ay ka gaadheen kooxda Inter Milan Semi-final-ka tartanka.

Cristiano Ronaldo ayaa kaligiis dhabarka ku qaaday kooxda Juventus isaga oo geeyay Final-ka tartanka Coppa Italia xilli ciyaareedkan.

Kooxda Inter Milan ayaa ka naxsatay Juventus iyaga oo gool wakhti hore ah ka dhaliyay daqiiqadii 9-aad iyaga oo uu u dhaliyay xiddiga Lautaro Martinez.

Xiddiga Lautaro Martinez ayaa hogaanka u dhiibay kooxdiisa xilli ay kooxda Juventus ka naxsaday goolka wakhtiga ah hore ah.

Kooxda Juventus aya bilowday in ay ku soo laabato ciyaarta iyaga oo qaadayay weeraro ay ku raadinayeen goolka bar-baraha.

Daqiqiadii 26-aad ayaa Juventus loo dhigay rikoodhe waxana u istaagay Cristiano Ronaldo kaas oo kooxdiisa ku soo ciyaarta kana dhigay 1/1.

Kooxda Juventus oo uu goolkaas rajo galiyay ayaa biowday in ay raadiso goolal kale oo ay ciyaarta hogaanka ugu dhiibto.

Daqiiqadii 35-aad ayay Juventus dhalisay goolka 2-aad iyaga oo uu u dhaliyay xiddiga Cristiano Ronaldo kaas oo ka faa’iidaystay khalad uu sameeyay Goolhayaha Inter Milan isaga oo ciyaarta ka dhigay 2/1.

Waxa sidaas ku dhamaatay qaybta hore ee ciyaarta oo ay Juventus hogaaminayso inkasta oo looga hor maray goolka 1-aad.

Qaybtii dambe ayaa ahayd mid ayna natiijada waxba iska badalin laakiin Inter Milan ayaa ahayd kooxda fiican.

Inter Milan ayaa qaybta dambe ahayd kooxda awooda badan iyaga oo wax walba u sameeyay sidii ay u dhalin lahaayeen goolka bar-baraha.

Laakiin kooxda Juventus ayaa si fiican u difaacatay iyaga oo uu sidoo kale Goolhaye Buffon sameeyay badbaadino cajiib ah.

Waxa sidaas ku dhamaatay ciyaarta oo ay Juventus hal lug la gashay Final-ka tartanka Coppa Italia ishana ku hayaan kulanka lugta 2-aad.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*