Courtios mise Lunin? Ancelotti Oo Sheegay Goolhayaha Ku Bilaaban Doona Kulanka Final-ka Champions League

Tababaraha kooxda Real Madrid Carlo Ancelotti ayaa xaqiijiyay in Thibaut Courtois uu ku soo bilaaban doono goolka kulan Final champions league ee caawaa la ciyaari doonaan kooxda Borussia Dortmund.

Ancelotti ayuu Hor yaalay Go’aan adag iyaga Oo kala dooranayay Courtois iyo Andriy Lunin.

Lunin ayaa kasoo muuqday dhamaan lixdii kulan ee Real Madrid ee Champions League Bug-baxa, oo uu ku jiro lugta labaad ee wareega 8da ee Manchester City.

Si kastaba ha ahaatee, Lunin ayaa ka soo muuqday kaliya afar ka mid ah shantii kulan ee ugu dambeysay Real Madrid tan iyo markii Courtois uu ka soo laabtay dhaawac jilibka ah.

Horaantii jimcihii, Lunin wuxuu daaha ka qaaday inuusan ku soo bilaaban doonin kulanka Dortmund ka dib markii uu dhaawac ka Soo gaadhay tababarihii ugu dambeeyay.

“Lunin waxaa ku dhacay hargab, ma uusan awoodin inuu tababar sameeyo,” Ancelotti ayaa u sheegay suxufiyiinta shirkii jaraa’id ee ka hor ciyaarta Jimcihii

“Wuu la safri Doonaa kooxda laakiin waxa uu ku bilaaban Doonaa kaydka”.

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga