Copa Del Rey: 5 Xiddig Oo Barcelona Ka Maqnaan Doona Kulanka Atletico Madrid Ee Caawa.

Kooxda Barcelona waxa ka maqnaan doonta shan ciyaaryahan oo muhiim ah marka ay la ciyaarayaan Atletico Madrid lugta hore ee nus-dhamaadka Copa del Rey Khamiista, sababo la xiriira dhaawac.

Ciyaartoyda maqnaan doona waa: Marcus Rashford, Raphinha, Gavi, Pedri, iyo Andreas Christensen.

Blaugrana ayaa arrintan ku shaacisay qoraal ay ku daabaceen boggooda rasmiga ah Arbacadii.

Tani waxay imaaneysaa kaddib markii Barcelona ay 3–0 kaga adkaatay Mallorca kulan ka tirsanaa LaLiga Sabtidii.

Kooxda reer Catalan ayaa u soo baxday nus-dhamaadka Copa del Rey kaddib markii ay ka adkaatay Albacete wareegga sideed-dhamaadka dhowr maalmood ka hor.

Kooxda uu hoggaamiyo Hansi Flick ayaa hadda hoggaanka u haysa jadwalka LaLiga, iyagoo hal dhibic ka sarreeya kooxda ku jirta kaalinta labaad.

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga