Cole Palmer Oo Loo Saadaaliyay In Uu Ku Biiro Man United.

Tababarihii hore ee Man United Rene Meulensteen ayaa xiddiga chelsea ee Cole Palmer u saadaaliyay in uu u dhaqaaqo kooxda Man United.

Tababarihii hore ee kooxda koowaad ayaa soo sheegay in xidhiidhka uu Palmer la leeyahay magaalada Manchester ay u soo jiidan doonto ku laabashada Waqooyi Galbeed.

Palmer, oo 23 jir ah, waxa uu ahaa nin aad loogu qiimeeyay Man City ka hor inta uusan u dhaqaaqin Chelsea xagaagii 2023.

Waraysi uu la yeeshay Grosvenor Sport, Meulensteen ayaa furay sida xiddiga heerka caalami ee dalka England uu u dhaqaaqi doono Man United.

“Waa si la iska wada ogyahay in Palmer yahay taageere man United ah”.

“Waxa aan la yaabay ayaa ah sida uu faraha United uga dhex baxay isaga oo jooga Manchester City kadibna uu fursad u helay Chelsea”.

Waa ciyaaryahan isbedel sameyn kara, ma u ciyaari karaa United mustaqbalka? Haa, ma arki Karo sabab u diidaysa”.

 

1 Comment

Dhiibo Fikirkaaga