Kooxda Chelsea ayaa gaartay guul weyn kaddib markii ay 3–1 ku garaacday Wolverhampton kulan ka tirsanaa wareegga 25-aad ee Premier League, kaas oo lagu ciyaaray garoonka Molineux.
Daqiiqadaha 13, 35 iyo 38: Xiddiga Cole Palmer ayaa dhaliyay saddexley (Hat-trick), isagoo si buuxda u hoggaamiyay guusha Chelsea.
Daqiiqaddii 54-aad: Tolu Arokodare ayaa dhaliyay goolka kaliya ee Wolverhampton.
Guushan kaddib, Chelsea waxay gaartay 43 dhibcood, iyagoo ku jira kaalinta 5-aad ee kala sarreynta horyaalka. Dhanka kale, Wolverhampton dhibcihiisu waxay ku hakadeen 8 dhibcood, iyagoo weli ku jira kaalinta 20-aad (ugu dambeysa) ee miiska.
Be the first to comment