Cody Gakpo Oo Sheegay Sababta Uu Doonayo In Uu U Dhaliyo Goolka Guusha Final-ka Carabao Cup-ka.

Cody Gakpo doonaya in uu adeegsado khabradiisa si uu Liverpool ugu hogaamiyo ku Guulaysiga Carabao Cup-ka kulanka Final tartanka dhici doona Axada.

Gakpo ayaa qeybtii labaad ee ciyaarta goolka guusha u dhaliyay PSV finalkii KNVB Beker ee 2022 ay ka gaareen kooxda ay xafiiltamaan ee Ajax, 25 jirkaan ayaa qirtay inuu rajeynayo inuu ku celiyo geesinimadiisii hore, islamarkaana uu Liverpool udhaliyo goolka guusha ee kulanka Carabao Cup-ka Axada.

Liverpool ayaa xili ciyaareedkii hore ku guulaysatay koobka Carabao Cup kadib markii ay Chelsea ku garaacday koox da,yar ah waxayna uga mahad celinaysaa kabtan Virgil van Dijk oo dhaliyay goolka kaliya ee ciyaarta.

“qof kastaa uu doonayo in uu dib u soo nooleeyo” wakhtigaas oo uu ku hogaamiyo kooxda koob kale.

“Hal mar ayaan ku sameeyay PSV, marka waxaan rajeynayaa inaan markale ku sameyn karo Liverpool,” Gakpo ayuu yidhi.

“Waxaad weydiisan kartaa ciyaartoyda halkaan jooga ee waqti dheer soo ciyaaray iyo kuwa ciyaaray finalka oo go’aamiyay finalka sida ay dareemayaan, waa dareen cajiib ah iyo laga yaabee dareenka ugu fiican ee aad heli karto ciyaaryahan ahaan, inaad gool dhaliso waqtigaas finalka”.

“Inaan ciyaarno finalka, ku guuleysiga koob had iyo jeer waa wax gaar ah, xilli ciyaareedkii hore waxaan halkaas ugu guuleysanay si aad u qurux badan, daqiiqadii ugu dambeysay Virgil [van Dijk] ayaa dhaliyay madax heer sare ah, waxana aan ku Guulaysanay koobka waana dareen fiican oo uu qof walba doonayo yuu Soo laabto”.

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga